Xagee Maraysaa Waan-waantii Puntland ee Doorashada 2024 iyo Dastuurka?

Published: July 19, 2023

Waxaan weli xal rasmi ah laga gaarin xiisaddii Puntland ee keentey dagaalkii 20 Juun ka dhacay magaalada Garoowe.

Col Jimcaale Jaamac Takar oo dholatus milteri sameeyey

Waxaa baaqdey shir ay isugu imaan lahaayeen Isimmada Puntland kadib markii sida la sheegay bilowgii shirka uu galay qalooc, iyada oo Isimmo gaaraya 100 ay Garoowe iska xaadiriyeen oo midkastaa soo qaadey koofiyadiisi, sidoo kale aan la isku waafaqin shir guddoonka, ajandaha iyo ka soo qayb-galayaasha.

Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa bilaabey waan-waan keligood ah waxaana ay la kulmeen labada dhinac ee dirirtu u dhaxayso, waxaana ay kulamo la qaateen Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Madaxweyne ku-xgineeka Axmed Karaash iyo Afhayeenka Golaha Wakiilada Puntland Abwaan Cabdirashiid Yusuf, kulamadan ayaa gooni-gooni ahaa, sidoo kale waxay la kulmeen Mucaaradka hubeysan ee diidan in dastuurka la furo iyaga oo doonaaya in doorashadu ku dhacdo sidii hore ee Puntland ku dooratey afar Madaxweyne.

Sida xogtu sheegayso kulamada labada Isim ay la yeesheen Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sheegaysa in qodobada hoose dood badan ay ka dhacdey laakiin ay isla qaateen ugu danbeyn, inkasta oo isimadu aysan weli soo gudbin:

  • In dastuurka la furo ururada siyaasadda la badiyo, lana gaarsiiyo ilaa 9 urur siyaasadeed
  • In doorashada Madaxweynuhu ku dhacdo xiligeedi 8 Janaayo 2024
  • In doorashada lagu galo nidaamka xisbiyada.
  • In Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa lagu doorto Baarlamaanka dhexdiisa sida hadda uu qabo dastuurku

Qodobka u danbeeya ee ah doorashada Madaxweynaha waxaa si weyn uga soo horjeeda Guddoomiyaha baarlamaanka Abwaan Cabdirashiid waxa uu doonayaa in Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisaba lagu doorto codka shacabka isaga ayaana ku daray qodobada la beddalaayo waxay wararku sheegayaan in damac uga jiro in Madaxweyne ku-xigeenka laga soo doorto gobolka Sanaag, maadaama gobolka Sool aysan doorasho ka dhacayn.

Labada Isim ee Islaan Ciise iyo Islaan Bashiir ayaa maalintii Salaasada kulan la qaatey mucaaradka hubeysan, waxaana ay ka dalbadeen in ay u qoor dhiibtaan, si ay xal u keenaan, Mucaaradka ayaa siiyey qoor-dhiibasho hadal daba yaalo.

Ma cadda in Madaxweyne Deni uu baarlamaanka ka helaayo 44 cod haddiiba la oggolaado in dastuurka wax laga beddelo, dhanka kale Xildhibaanada beesha Dhulbahante ayaa hadda ku baraarugey damaca Guddoomiyaha baarlamaanka Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ee a madaxweyne ku-xigeenka loo wareejiyo Sanaag.

Dhoolatus Milateri

Subaxnimadii Arbacada waxaa dhoolatus milteri sameeyey Col. Jimcaale Jaamac Takar oo hoggaamiya guutada Danab ee ciidamada Puntland, waxaana uu wacad ku marey in wixii ay ka dagaalameen ee furista dastuurka ah ay sideedi uga dagalamayaan, waxa uu soo bandhigey awoodiisa ciidan, tan ayaa ah mid xaaladda sii mujrjineysa, waxaana ay biyo qaboow ku shubeysaa dedaaladii labada Isim.

Isku soo duubo waxaa muuqata in xalku aanu weli dhaweyn, waxaana hadda dib u soo xoogeysanaya khatarta ah in dagaal mar kale dhaco, taas oo uga dari karta xaaladda Puntland.

Horseed Media