Xamse Cabdi Barre: Shirka Wadatashiga Qaran wali waa socdaa…

Published: October 8, 2024

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu wali socdo shirka golaha wadatashiga qaranka.

Sidoo kale, Raysal Wasaare Xamse ayaa sheegay in madaxda kasoo qaybgashay shirka wali u socdo kulamo la xiriira la-tashiyo qodobada qaar oo uusan carabaabin kuwa ay yihiin.

Waxaa xusid mudan in madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo horey qayb uga ahaa shirka, uu isniintii ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.

Warar hoose ayaa sheegaya Axmed Madoobe inuu madaxda dowladda federaalka shuruud uga dhigay inaan waxba laga wada hadli karin ilaa shirka wadatashiga qaran qayb ka noqdaan Puntland iyo Khaatumo.

Horseed Media