Xarunta Shirkada Xawaalada Dahabshiil ee degmada Waabari oo la dhacay

Published: February 5, 2012

Kooxo hubeysan ayaa barqadi maanta dhacay xarunta shirkada Xawaalada Dahabshiil degmada Waabari ee magaalada Muqdisho.

Dad goob joog ah ayaa Horseed Media u xaqiijiyey in ay gudaha u galeen xarunta afar nin oo hubeysnaa kuwaasi oo watay labiska ciidanka dowlada, kadibna dabaqa kore kasoo gamay waardiyihi goobta ilaalinayey.

Inkastoo aanan la ogeyn lacagaha ay qaateen raga dhaca geystay, hadana waxaa la sheegayaa in ay boobeen dhamaan wixi yaalay shirkada oo ay ku shaqeynaysay, sidoo kalana ma jirin cid usoo gurmatay xiligi uu socday howlgalka kooxda burcada aheyd.

Shirkada Dahabshiil ayaa xarumo ku leh dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana tani ay ceyb ku noqoneysaa dowlada KMG Soomaaliya oo mar walba ku faanto in ay sugtay amaanka meelaha ay ka taliso.

 

 

Horseed Media