Xasan Cali Kheyre Oo U Safray Jabuuti

Published: October 4, 2020

Raysal wasaarihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa safarkii ugu horeeyey tan iyo markii xilka laga qaaday saaka ugu ambabaxay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Kheyre oo ay safarkiisa Jabuuti ku wehliyeen qaar kamid ah xubihiisa ololaha doorashada ayaa la filayaa inuu halkaas ka bilaabo ololihiisa madaxtinimada Soomaaliya.

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa tan iyo markii xilka laga qaaday waxa uu cadaadis siyaasadeed kala kulmayey Villa Somalia iyadoo xitaa loo diiday inuu xilka ku wareejiyey raysal wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *