Xasan Sheekh oo booqdey dhaawacyada saraakiisha Imaaraatiga

Published: February 11, 2024

Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Hosbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaratka ee galabta ku dhawaacmay f Xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho kadib markii askeri ka tirsanaa ciidanka uu toogasho ka bilaabey.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun. Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda u hibeeyey dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo faray Laamaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadan.

“Dawladda iyo Shacabka walaalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag.”

Tirada dhimashada ayaa kor u kacdey waxaana ay hadda gaareysaa saddex sarkaal oo ka tirsan Imaaraadka carabta iyo 11 kale oo Soomaali ah.

Horseed Media