Xasan Sheekh oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Madaxweynaha JFS

Published: May 23, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad heerkeedu sarreeyo oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka, waxa uu xilka Madaxweynaha JFS kaga la wareegay Madaxweynihii 9-aad ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaamintiisii dalka, dadaalkii uu geliyey dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Madaxweynihii sagaalaad ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilka Madaxweynaha 10-aad ee JFS, isaga oo Alle uga baryey in uu fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay si buuxda ula shaqeeyaan dowladda cusub.

Munaasabadda Xilwareejin Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa ka soo qayb galay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, madax xilal sare ka soo qabtay dalka, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida iyo marti sharaf kale.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *