Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay buuga tacsida ee Queen Elizabeth II

Published: September 18, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaaliga ah mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah gaarey magaalada London, si uu uga qaybgalo tacsida Boqorad Elizabeth II, boqoradii Boqortooyada Midowdey (UK) iyo dalalka Barwaaqa sooranka. Queen Elizabeth II, ayaa 8 Sebtember ku geeriyootey Iskotlaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si toos ah uga soo duuley dalka Maraykanka oo uu safar shaqo ku joogey waxaana uu isla maanta gaarey London, kadib wuxuu saxiixey buuga tacsida ee Boqoradda.

Maalinta berri ah ee Isniinta ayaa la aasayaa Queen Elizabeth II, waxaa aaskeeda ka soo qaybgalaya kumaankun qof, waxaa kamid ah in ka badan ilaa 100 hoggaamiye, amaanka ayaa aad loo adkeeyey, waxaa maanta oo Axad ah la diyaariyey ilaa 1000 askeri oo boolis ah iyo 100 ciidamada gaarka u tababaran ee UK si ay amniga u sugaan.

Horseed Media