Xasan Sheekh oo Uganda u tegey ka qaybgalka xuska 60 sano guuradii xornimadooda.

Published: October 8, 2022
Shares4

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay booqasho uga bilaabatay dalka Uganda halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxdey xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga dagaalka lagula jiro argagixisada Alshabaab la yeelanayaa Madaxda dalkaas, si taageero heer gobol ah loogu helo howlgallada socda, lana xoojiyo iskaashiga ku aaddan amniga.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kala qeyb geli doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay xornimadooda, iyadoo Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka Uganda.

Dalka Uganda ayaa xornimada qaatey, Soomaaliya oo xor ah muddo laba sano ah 9 Oktoobar 1962 dii, laakiin 15 kii sano ee la soo dhaafey waxaa Soomaaliya joogey ciidamada Uganda oo ilaaliya Madaxtooyada, dekadda iyo garoona diyaaradaha ee Muqdisho.

Horseed media