Xasan Sheekh & Rooble oo ka tacsiyeeyey geerida Cabdullaahi Maxamed Shirwac

Published: May 29, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac uu ahaa Halyeey waqti badan soo galiyay samafalka, isku xirka, dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorkii wanaagsanaa ee uu kulahaa nabadaynta caasimadda Muqdisho.

Madaxweyne Xaaan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey geerida allaha u naxariistee Marxuum Cabdullahi Maxamed Shirwac oo xubin firfircoon ka ahaa dalladda Bulshada Rayidka ah ee Soomaaiyeed oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

“Alle waxaan samir iyo iimaan u weydiinayaa qoyskiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay, isagana in uu Hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa.” Ayuu yiri Rooble.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *