Xasan Shiikh Iyo Donlad Yamamoto Oo Kulmay

Published: September 2, 2020

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka dowlada Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Donlad Yamamoto.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha doorashada iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka, si gaar ah sidii ay u dhici lahayd doorasho wada ogol ah oo nabadeed.

Safiirka Marakaykanka ayaa sidoo kale shalay la kulmay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, taasi oo muujinaysa sida ay dowlada Maraykanku dadaal xoogan ugu bixinayso inay doorasho ka dhacdo dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *