Xassan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed oo Kenya isku arkey

Published: April 12, 2024

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa habeenkii xalay ee jimacada kulan ay albaabadu u xiranyihiin la qaatay Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed oo isna ku sugan Nairobi.

Kulanka ayaa ku billowday casho guud hase yeeshee u gudbay mid gaar ah oo ay labada Madaxweyne yeesheen. Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn u kala fogaadey, muddooyinkii danbe taas oo gaartey in kulan lagu dhex dhexaadiyo ay ka soo shaqeeyaan ganacsato labada dhinac aad ugu dhaw.

Ma cadda waxa rasmiga ah ee ay kawada hadleen hase yeeshee madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayaa dhawaanahan si weyn uga hor imaadsanaa arrimaha wax kabadalka dastuurka ee dalka oo dhawaan ay baarlamanka Soomaaliya ansixiyeen.

Wararu waxay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh sidoo kale doonayo ka hor inta aanu maanta ka soo duulin Kenya in uu arko raysalwasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo isaguna ku sugan Kenya.

HORSEEDMEDIA