Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey kulan ay u dhan…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey kulan ay u dhan yihiin labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka ayaa markii u horeysey Puntland ugu hambalyeeyey doorashooyinkii goloyaasha deegaanka ee nidaamka xisbiyada ee la qabtey 25 May 2023.
Madaxweynaha ayaa ka hor hambalyada uu Puntland u direy ka hormariyey soo dhaweyn doorashada Somaliland ee la qaban doono todobaadka danbe.
Hambalayada kadib ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh u isticmaaley tusaale doorashooyinkii Puntland doonitaankiisa doorasho qof iyo cod ah in la qaban karo sida Puntland looga qabtey.
Waxaa xusid mudan in wax yar ka hor qabsoomidda doorashooyinkii Puntland Madaxweyne Xasan Sheekh oo masaajid ka sheegay in Puntland burburiyeso haddii doorashooyinka goloyaasha deegaanka la qabto.
HORSEED MEDIA