Xayiraadii Bada iyo Beriga oo Saamayn Dhaqaale Ku Keentay Puntland

Published: April 7, 2020
Somali vendors offload a catch from fishing boats at Bosaso beach in Puntland northeastern Somalia, on December 17, 2016. Fishermen bring fish to the market for traders as they buy fish to resell it in the market of Bosaso. / AFP / Mohamed ABDIWAHAB (Photo credit should read MOHAMED ABDIWAHAB/AFP/Getty Images)

Tan iyo markii dowladda Puntland ay soo rogtay xayiraada dhulka, Badda iyo Hawada cudurka coronavirus awgiis waxaa soo baxaya saamaynta dhaqaale iyo mid nololeedka ay xayiraadu ku keentay dadka ku nool magaalooyinka Puntland gaar ahaan degaamada Xeebaha.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Puntland Faarax Cawaash oo waraysi siiyay Telefishanka Puntland tv wuxuu qiray in xayiraadu ay saamayn dhaqaale ku keentay qoysaska nolol maalmoodkoodu ku tiirsanaa ganacsiga Badda iyo kalluumaysiga.

“ Waxaanu amarnay inaysan doonyuhu inaysan marsoonyinka ku soo xiran, dadka saarana ayan ka soo degin, dadna aysan fuulin. Doonyaha macaamil badan ayaa dhexmari jiray qaarkood kalluun, baraf iyo xoolo ayay iibsan jireen, qaarkood khudaar iyo alaabo kale ayay Keeni jireen”

Wuxuu kaloo sheegay  in cudurku uu saamayn ku yeeshay dakhligii dowladda ka soo geli jiray Kalluumaysiga,

“ Doraad waxaa dhacday in Markab iyo doon weyn oo ay leeyihii dad reer Puntland ay kalluun Badan keeneen Bosaso, Kalluunkaasi oo markii hore loo iibgayn lahaa dalalka dibada, deked iyo meel ay geeyaan markii ay waayeen waxay keeneen suuqa gudaha”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa qiray in coronavirus uu saamayn dhaqaale uu ku keenay ganacsiga iyo noloshii shacabka Puntland, waxaa kaloo uu sheegay inuu saamayn ku yeeshay dakhligii dolwadda uga soo xaroon jiray cashuuraha ay ka qaado dadka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *