Xeer ilaaliyaha DF oo sheegay dowlado shisheeye ay ku howlan yihiin kalluumeysi sharci darro ah

Published: October 19, 2021

Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay jiraan Dowladdo shisheeye iyo Hey’addo kale oo ku howlan kaluumeysi sharci daro ah biyaha Soomaaliya kuwaasoo gacan ka helaya dad Soomaaliyeed sida uu sheegay.

Xeer Ilaaliye Suleymaan ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay la dagaalanka kalluumeysiga sharci darrada ah oo Shirkadaha Shisheeye ka wadaan Biyaha Soomaaliya.

Waxa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in musiibooyin waa weyn oo qeyb ka yahay kalluumeysiga sharci darrada ah ee lagu beegsanayo Kheyraadka dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *