Xeer-ilaaliye ku xigeenka Puntland oo sheegay in cidii canshuurta waajibtay bixin-wayda hantideeda lala wareegi doono.

Published: March 11, 2020

Maxamed Xareed Faarax Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa si faah-faahsan uga hadlay dadka hantida leh ee la dhuunta canshuurta ku waajibtay.

Mr Xareed ayaa sheegay in fasax ay u tahay dowladdu inay la wareegi karto badeecad kasta oo ka soo degta furdooyinka Puntland, haddii lagala dhuunto Canshuurta ku waaajibtay ee dawladu ay xaqa u leedahay.

“ Xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee dowladda Puntland, wuxuu la socod-siinaya dhammaan ganacsatada, haddii badeecadaha ka soo dega furdooyinka Puntland lagala baxsado Canshuurta ku waajibtay, iyadoo lagu xad-gudbayo xeerarka Wasaaradda Maaliyadda, waxaan u sheegayna ganacsatada in dhammaan badeecaddaas ay la wareegayso dowladda” ayuu yiri Maxamed Xareed

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa sidoo kale dowladda u fasaxay in ay la wareegi karto gaadiid kasta oo lagu qabto kotorobaan (shay aan sharciyaysneyn), waxaana uu ku hanjabay in cid kasta oo leh gaadiidkaas sharciga la hor-geyn doono.

Ugu danbayn wuxuu sheegay in ganacsade kasta oo lagu qabto in uu canshuur la dhuuntay, ay Xeer ilaalintu ku soo oogi doonto dacwad-ciqaabeedka uu mutaystay, islamarkaana la hor-geyn doono maxkamadaha Sharciga u leh qaadista dacwaddaas.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *