Xeerka Tirakoobka Puntland Oo La Daahfuray

Published: June 8, 2020

Wasaarada qorshaynta iyo horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland, waaxda istaatistikada ayaa maanta soo bandhigtay xeerka tirakoobka Puntland, waxaana shirkii lagu soo bandhigayey kasoo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda qorshaynta Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime Waaxeedyo iyo xubno ka socday hay’addaha dowlada Puntland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Sharma’arke Xasan Cali, ayaa sheegay maanta laga bilaabi in wasaaraddu bilaabayso fulinta sharcigaan ayna sharciga la tiigsan doonto qof iyo Hay’ad walba oo ku xadgudubta.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Cabdiqafaar Cilmi Xaange, oo shirka Daahfuray waxaa hadaldiisa ka mid ahaa in maanta ay tahay maalin muhiim ah dhamaan dad waynaha Puntalnd oo ay haystaan sharci u adeegaya kana celin doona burcad xogeedka. Wasiirka ayaa ka waramay muhiimadda ay u leedahay sharcigaan inay ansixiyeen golaha shacabku, Madaxwenuhuna Saxiixay.

Xeerku wuxuu ku saabsan ururinta, isku-duwidda, soo saarista iyo shaacinta tira-koobka rasmiga ah iyo arrimaha la xiriira, waana xeerkii kowaad ee kusaabsan tirokoobka oo ay Puntland yeelato.

Xeerku wuxuu leeyahay Sadex (3) ujeedo oo kala ah;

  1. Uruurinta xogta Dawladda, Muwaadiniinta iyo Kheyraad dalka, iyo ka hortagidda, iyo tirririda burcad xogeedka.
  2. Fududaynta helitaanka xog dhamaystiran, wakhtiyeysan, tayo ahaanna la isku hallayn karo oo saldhig u noqota Qorshaynta iyo Qiimaynta barnaamijyada horumarineed ee Hay’adaha Dawladda.
  3. Fududaynta barnaajimka Dimuqraadiyeynta Puntland iyo gaarista doorashooyinka hal qof

Qodobada Xusidda Mudan.

Qodobka 17-aad ee cutubka 4-aad.
Wuxuu leeyahay ma jiro karto Hay’ad Dawladeed , mid shacab, mid ajnabi iyo mid gaaraba oo ka billaabi karta xog-uruurin cusub wax ka bedelli karta xog hore u kaydsanayd gudaha Puntland iyadoo la isticmaalayo su’aalo qalab xog uruurin ama qalab kale oo si toos ah u gudbiya xogta iyadoo aan ogalaansho qoraal ah laga helin Wasaaradda Qorshaynta.

Qodobka 27-aad ee cutubka 6-aad.
Wuxuu leeyahay xog kasta oo uu bixiyo shakhsi, shirkad ama hay’ad dawladeed waxaa loo isticmaalayaa oo kaliya isu-duwidda iyo lafagurka Tiro-koobka sida ku cad xeerkan.

Qodobka 31-aad-31-aad.
Waxay dhigayaan “Qof kasta oo diida in uu bixiyo xogta uu hayo oo xafiisku uga codsaday sifa sharci ah sida ku cad xeerkan wuxuu noqonayaa eedaysane.

Qodobka 41-aad ee cutubka 7-aad.
Wuxuu leeyahay ” Qofkasta oo faldambiyeed ka gala xeerka Tiro-koobka iyadoo maxkamadu eegeyso culeyska faldambiyeedka wuxuu muteysanayaa mid ka mid ama dhammaan ciqaabahan soo socda;
b) Xarig (t )Soo celin hanti (j) ganaax maaliyadeed (x) shaqo joojin mudo cayiman.

Ugu danbayn, Xeerkani wuxuu si rasmi ah Dhulka Puntland uga dhaqan galayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 8-da June,2020.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *