Xildhibaan Ka Tirsan Barlamaanka Puntland oo Geeriyooday

Published: August 26, 2020

Naxariista janno alle ha siiyee waxaa maanta dalka Turkiga ku geeriyooday Xildhibaan Da’uud Nuur Muuse oo ka tirsan xildhibaanada Barlamaanka Puntland.

Xildhibaan Da’uud ayaa muddooyinkii dambe xanuunsanaa, isagoo baaritaan caafimaad u tegay Wadanka Turkiga, waxaa la dhigay cusbitaal halkaasi oo uu maanta ku geeriyooday.

Daauud ayaa noqonaya xildhibaankii labaad oo ka geeriyooday baarlamaanka hadda jooga ee Puntland, waxaana horey shil gaari ugu dhintay 21 february ee sanadkan alle ha u naxariistee Maxamed Faarax Mire, labada xildhibaan ayaana laga soo wada doorta gobolka Bari.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *