Xildhibaan u Geeriyooday Cudurka Coronovirus

Published: February 29, 2020

Xildhibaan ka tirsan barlamaanka wadanka Iiraan ayaa u geeriyooday cudurka halista ah ee Coronovirus sida ay xaqiijisay wakaaladda wararka ee dowladda.

Maxamed Cali Ramasaani Dastik oo dhawaan uun loo doortay xildhibaan ayaa laa aamisanyahay in dhowr maalmood ka hore laga helay Viruska Corono.

Xildhibaanka ayaa Saaka oo sabti ah ku geeriyooday Cusbitaal looga dabiibayay Viruska. xildhibaankan ayaa noqonayaa siyaasigii u horreeyay ee u geeriyooda cudurkan

24 kii saac ee la soo dhaafay ilaa 9 qof ay u geeriyooday Cudurka Coronavirus, iyadoo la xaqiijiyay dadka badan 600 qof uu ku dhacay cudurku oo ay ku jiraan Wasiir iyo xildhibaano.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *