Xildhibaanada Labada Aqal oo maanta kulan ku leh Magaalada Muqdisho

Published: June 12, 2022

Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah kulan gaara ku leh xarunta Villa Hargeysa ee ku dhex taala aqalka dalka looga arrimiyo ee Villa Soomaaliya.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa Ajandaha diirada lagu saarayo wuxuu yahay Akhrinta kowaad ee Miisaaniyadda dowladda ee Sanadka 2022, kaasoo akhrinta kadib ay soo fiir fiirin doonaan mudanayaasha xogta ku jirta si inta aan la meel marin ay dood u galiyaan.

Gudoonada golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa xalay fariin qoraaleedyo ku wargaliyay mudanayaasha iney soo xaadiraan kulankan, waxaana jirta cabsi ku aadan in si lamid ah kulankii u dambeeyay oo kale aaney xarunta iman xildhibaanada, kulankii u dambeeyay ayaa u baaqday Kooram la’aan, iyadoo arintaasi ay caro ka muujiyeen gudoonka baarlamaanka.

Si kastaba, Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin dhowr ah, waxaana Kulanka Maanta sidoo kale la filayaa in lagu dhaariyo Xildhibaano Xubno ka noqday Guddiga Arrimaha Dastuurka

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *