Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka oo maanta kulan yeelanaya

Published: June 13, 2022

Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha shacabka ee Villa Hargeysa.

Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa iska soo dhex xulaya xubno noqonaya Guddiga KMG ah ee ka shaqeynaya Miinaasiyadda Dowladda 2022.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ku wargeliyay arrintaan ayaa ka codsaday in mas’uuliyad iska saaran sidii loo heli lahaa xubnaha Guddigaan.

Aadan madoobe waxa uu intaas ku daray in Labada Gole ee Baarlamaanka 11aad JFS dhawaan billaabayaan in ay iska dhex xulaan Guddiga si ay uga soo shaqeeyaan ajendayaasha kahor inta aan fadhiyadooda la dhex geyn.

Waxa uu Xildhibaannada Baarlamaanka ka codsaday in ay ilaaliyaan waqtiga iyo mas’uuliyadda ka saaran u adeegista shacabka doortay oo ay wakiilka ka yihiin si meesha looga saaro maqnaashiyaha badan iyo ka dib dhicista fadhiyada.

Baarlamaanka Federaalka waxaa horyaalla hindise-sharciyeedyo kala duwan oo qaarkood qabyo u ahaa Baarlamaankii 10aad ee JFS & kuwo kale oo cusub, guddoonka labada Gole ayaa sheegay in mar haddii ay dhammaatay Doorashada ay guda-galayaan fadhiyadooda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *