Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo qarax miino lagu diley

Published: September 11, 2023

Laba xildhibaan oo ka kala tirsanaa Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug iyo golaha deegaanka Dhuusamareeb ayaa lagu diley qarax miido oo ka dhacay meel ku dhaw degmada Ceelgaras oo koonfur-bari uga beegan Dhuusamareeb.

laba kamid ah xildhibaanada qaraxa lagu diley, sawirka facebook

Qaraxan oo ahaa Miino ayaa la kacay gaari ay wateen xildhibaan Maxamed Maxamuud Axmed oo ka tirsanaa golaha wakiilada Galmudug iyo xildhibaan Cabdulaahi Ibraahim oo ka tirsanaa golaha deegaanka Dhuusmareeb.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro dhaawacyo kale oo ka dhashay qaraxa oo gaaray askar ilaalo u eheyd xildhibaanadan.

Ciidamada amaanka ayaa durba gaaray goobta, iyagoo soo qaaday meydadka iyo dhaawacyada, waxaana la keenay magaalada Dhuusa-mareeb.

Madaxweynaha Galmuduh Axmed Qoor-qoor ayaa ka tacsiyeeyey geerida xildhibaanada.

Qaraxan ayaa imaanaya kadib markii ciidamada Soomaaliya ay maanta gudaha u galeen Ceel-garas oo ahayd meel al-Shabaab muddo dheer haysteen.

Horseed Media