Xildhibaano ka tirsan Puntland oo gudbiyay Mooshin ka dhan Gudoomiye Dhooba-daarood

Published: November 7, 2019

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Puntalnd Abuukaate Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan ayaa sheegay in uu qabtay mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Baarlamanka Puntalnd, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo). Waxaa uu sheegay in 44 xildhibaan ay saxiixeen mooshinka ka dhan ka ah Guddoomiyaha.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in guddoomiyaha lagu soo eedeeyay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin in uu xarunta baarlamaanka keenay ciidamo malayshiyaad ah, in uu xubnaha baarlamaanka kala xaq-sooray, sidoo kalena in uu ku tuntay qoddob ka mid ah dastuurka Puntland.

Baarlamaanka ayaa saaka lagu wadaa in ay fadhi yeesheen xilli gudoomiyuhu shalay uu sheegay in gollaha mudoo 3 casho ah la fasaxay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *