Xildhibaano iska casilay xubinimadoodii xisbiyadda mucaaradka.

Published: March 3, 2020

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka tirsanaa Xisbiyada Himilo Qaran iyo Gudoomiye ku xigeenkii Arimaha Siyaasada ee xisbiga UPD Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir ayaa ku dhowaaqay inay iska casileen Xubinimadii Xisbiyadaas.

Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir Guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda iyo istaratejiyadda Xisbiga UPD ayaa qoraal uu isaga casiley Guddoomiye kuxigeenkii Xisbiga iyo Xubunimadii Xisbiga waxaa uu u gudbiyey Guddoomiyaha Guddigaas, inkastoo uusan sheegin sababta uu isku casilay.

Sidoo kale, Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa qoraal uu u direy hoggaanka Xisbiga Himilo Qaran oo uu ka tirsanaa ku sheegay inuu iska casilay xilkii Guduga Fulinta iyo xubinimadi xisbiga Himilo Qaran.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *