Xildhibaano maanta lagu doortay Muqdisho

Published: February 5, 2022

Doorashada saddex kursi oo ka mid ah golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo sabti ah lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Saddexda kursi ee ay doorashadooda maanta qabsoontay waxay kala yihiin HOP#226, HOP#218 iyo HOP#270.

  1. Xildhibaan Maryan Maxamed Ciise ayaa ku soo baxday kursiga koowaad oo tirsigiisu uu yahay HOP#226.
  2. Xildhibaan Dr Maxamed Elmi Ibraahim, ayaa ku soo baxay kursiga sumadiisa yahay HOP#218
  3. Xildhibaan Abdiwahaab Cabdi Cumar ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisa yahay HOP#270.

Doorashada golaha shacabka ayaa si habsami leh kaga socoto magaalada Muqdisho iyo maamul goboleedyada dalka, taas oo ah mid daah-furan oo lagu kalsoon yahay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *