Xisbigga Himilo Qaran oo ku guuleystay dacwadii maamul ee Maxkamadda sare.

Published: April 9, 2020

Maxkamadda sare ee dalka ayaa go’aan ka gaartay dacwadii u dhaxeysay Xisbiga Himilo Qaran, Dacwadaan ayaa aheyd mid maamul oo uu horay Xisbiga Himilo Qaran uga gudbiyay Hey’adda Saadaasha Hawada, taasoo la xiriirtay xayiraadii safar ee bishii September ee sanadkii hore la saaray Sheekh Shariif, xilli uu ku sii jeeday Kismaayo.

“Kaddib markii go’aankii muddo laga dhursagayay uu soo baxay, aad iyo aad ayaa ugu faraxsanahay in Maxkamadda sare dhowrtay ama ilaalisay sareynta sharciga iyo danta guud ee Cadaaladda, waa u mahadcelinayaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo garsoorayaasha Maxkamadda sare in go’aankaas cadaalada ku dhisan ee sharciga iyo shuruucda dalka ay soo saartay, xukunka annaga ayuu noo dhacay, xisbiga himilo qaran ayaa loo xukumay” ayuu yiri Qareenka u doodayay Xisbiga Himilo Qaran abuukaate Axmed Maxamed Sheekh Koofi.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa labo jeer oo hore u fariisatay dhageysiga dacwada maamul ee Xisbiga Himilo Qaran ka gudbiyay Hey’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada taas oo ku salaysnayd socdaal uu madaxweyne Sheekh Sariif u tagi lahaa Kismaayo oo la xayiray.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *