Xisbiyada mucaaradka ee Somaliland oo maanta shaacin doona mawqifkoodii ugu dambeeyay ee doorashada

Published: November 13, 2022

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID ayaa maanta lagu wadaa in ay soo gudbiyaan mowqifkooda ugu dambeeya ee ay ka qaadanayaan xil heynta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta idlaystay 5ta sano ee Dastuurka u ogol yahay.

Waxaa kulamo saacado badan qaatay ku yeeshay Magaalada Hargeysa hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID.

Kulamada ayaa looga arrinsaday sidey go’aan mideysan ay ugu wajahayaan Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wufuud ka socota Beesha Caalamka ayaa maanta ku wajahan Magaalada Hargeysa si looga hortago dibadbaxyo iyo Rabshado markale ka dhaca Somaliland.

Horseed Media