Xisbiyada Sincad, Ifiye iyo Mustaqbal Oo Go’aamo Kasoo Saaray Doorashada Puntland

Published: October 21, 2023
Shares34

Xisbiyada Puntland ee Sincad, Ifiye iyo Mustaqbal oo go’aamo kasoo saaray doorashada khilaafku ka taagan yahay ee madaxtinimada Puntland 2024 ayaa soo jeediyey inay doorashadu noqoto mid baarlamaani oo dadku soo doortaan.

Warmurtiyeed ka kooban sagaal qodob oo kasoo baxay seddexdan xisbi oo maalmahan shirar la qaadanayey siyaasiyiinta mucaaridka, Ururrada Bulshada Rayidka iyo Culimada ayaa sheegay in loo baahan yahay doorasho baarlamaani oo xildhibaanada dadweynuhu soo doortaan kadibna iyagu sii doortaan madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa taasoo waqtigeedi ku dhacda lana ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida.

Sincad, Ifiye iyo Mustaqbal ayaa sidoo kale soo jeediyey inay doorashada ka qaybgalaan dhamaan daneeyayaasha loona furo musharax kasta oo raba inuu si madaxbanaan u tartamo.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media