Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa maanta oo Arbaca ah xaqiijisay in taliye sare Fu’aad Shukr…
Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa maanta oo Arbaca ah xaqiijisay in taliye sare Fu’aad Shukr lagu dilay weerarkii ay xalay Israa’iil ka geysatay koonfurta Beyruut.
Xisbullah, oo horey u sheegtay in Shukr uu ka badbaaday weerarka, ayaa bayaan ay soo saartay Arbacadii ku sheegtay in “Taliyaha sare Mujaahid Fuad Shukr (Xajj Mohsen) uu ku sugnaa” dhismaha ay bartilmaameedsadeen “cadowga Sahyuuniyadda”.
Kooxdu waxay intaas ku dartay in hoggaamiyahooda, Xasan Nasrallah, uu khudbad weerarkan uga hadli doono munaasabadda aaska Shukr ee berri oo Khamiis ah.
Marka laga soo tago in ay Israa’iil muddo dheer raadinaysay, Fuad Shukr waxaa sidoo kale baadi goob u jiray Maraykanka oo taliyahaasi ku eedeeyey inuu ku lug lahaa weerarkii 241 askari looga dilay ee ka dhacay Beyruut sanadkii 1983dii.
Horseed Media