Xoghayhii golaha shacabka oo is casiley iyo mid cusub oo loo magacaabey Golaha

Published: October 3, 2022
Shares4
Buux Xaaji Cabdi
Buux Xaaji Cabdi xoghayaha is-casiley

Waxaa maanta ku dhawaaqey in uu xilkii iska casiley xoghayahii golaha shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaaliga ah Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux) oo xilkaas hayey tan iyo sanadkii 2013.

Sida wararku sheegayaan waxaa khilaaf adag ka dhex taagnaa guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo xoghayaha oo isku hayey arrimo la xiriira kala beddel shaqaale iyo kuwo cusub oo la qorey.

Aadan Madoobe ayaa guddiga joogtada ah u gudbiyey in xilka laga qaado Buux Xaaji Cabdi si mid cusub loo magacaabo, waxana arrintaas ka hor is casiley Buux Xaaji Cabdi

Cabdiraxmaan jaabiri

Xoghayaha cusub ee golaha shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda ayaa loo magacaabey Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda waxbarashada C/raxmaan Maxamuud Maxamed (Jaabir). Ninkan ayaa horey u ahaa ahaa xildhibaan golaha shacabka 2016-2022, kaas oo laga soo doortey deegaanada Puntland.

Horseed Media