Xubnaha Cusub ee Barlamaanka Hirshabelle oo Maanta La Dhaarinayo

Published: October 28, 2020

Xubnaha barlamaanka Cusub ee maamulka Hirshabelle ayaa lagu wadaa in maanta la dhaariyo islamarkaana la siiyo kaararka aqoonsiga ee xildhibaanimo

Guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa xalay ku dhawaaqay liiska xildhibaannada cusub ee baarlamaanka labaad oo maalmihii lasoo dhaafay ay xulistoodu ka soctay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle.

Xildhibaannada cusub ayaa tiro ahaan gaaraya ilaa 90 Xubnood oo u badan Dhalinyaro, waxay isugu jiraan xubno barlamaankii hore ka tirsanaa iyo xubno cusub, waxaana soo xulay Odayaasha Dhaqanka ee degaannada Hirshabeelle.

Sida jadwalka doorashada Hirshabelle dhigayo waxay ahayd in xubnaha cusub ee barlamaanka Hirshabelle la dhaariyo maalinta sabtida ee 31 October hase yeeshee guddiga ayaa soo hormariyo sababo aan la shaacin.

Xubnaha aan ku jirin liiska cusub ee barlamaanka waxaa ka mid ah guddoomiyihii hore ee barlamaanka Hirshabelle Cismaan Maxamed Bare iyo ku xigeenkiisii Cabsi Xuseen Geedi.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *