Xubno Alshabaab oo Duqayn Cirka ah lagu Dilay

Published: February 29, 2020

Taliska Maraykanka ee africom ayaa warsaxafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen inay Duqayn cirka ah ku dileen labo xubnood oo ka tirsan ururka Alshabaab degaanka Kuunya barrow ee gobolka Shabellada Hoose

Duqayntan oo shalay galab dhacday ayaa waxaa iska kaashaday ciidanka milateriga dowladda federaalka iyo taliska africom sida lagu sheegay warsaxafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomalaiya.

Maraykanku wuxuu sheegay in hadafka laga leeyahay duqaymahan lagu bartilmaameedsanyo alshabaab uu yahay ilaalinta amniga ciidamada Maraykanka ee gobolka iyo saaxiibadooda bariga afrika.

Ma jirto khasaare weerarkan ka soo gaaray dadka rayidka ah sida lagu sheegay warsaxafadeedka Africom


HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *