Xubno ka mid ah qoyska reer Boqor ee Saudi Arabia oo xabsiga la dhigay.

Published: March 7, 2020

Sida ay daabaceen qaar ka mid ah wargeysyada dalka Maraykanka Saddex ka mid ah qoyska reer Boqor ee dalka Boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii uu amray dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salmaan.

Amiir Ahmed bin Abdulaziz, boqor Salman walaalkiis ka yar iyo Amiir Mohammed bin Nayef, oo ah wiilka uu adeerka u yahay boqorka ayaa jimcihii lasoo dhaafay xabsigga loo taxaabay.

Sida ay baaahiyeen wargaysyadda Maraykanka Amiiradaan ka tirsan qoyska reer boqor ayaa loo haystaa eedaymo ay ka mid yihiin in ay sameeyeen khiyaano qaran iyo musuq-maasuq.

Dhaxal sugaha ayaa horay u xiray ganacsato Sacuudiyaan ah iyo 11 amiir kuwaas oo lagu xiray dalka Sacuudi Carabiya iyadoo lagu eedaynayo in ay sameeyeen musuq-maasuq.

Horseed Media, 2020.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *