Xubno sare oo ka socda dowladda Itoobiya oo gaaray caasimadda gobolka Tigray

Published: December 27, 2022

Wafdi ka socda dowladda federaalka Itoobiya ayaa Isniintii booqasho ku tagay caasimadda gobolka Tigray ee ay colaaduhu aafeeyeen, si ay u kormeeraan dhaqangelinta heshiiskii nabadeed ee bishii hore.

Wafdigan oo uu hogaaminayey Tagesse Chafo oo ah gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa noqonaya Madax heer federaal ah ee ugu horreeyay oo u socdaala Tigrayga muddo labo sano ah kadib.

Afhayeenka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) Getachew Reda ayaa sheegay in booqashadan oo ay ka mid ahaayeen wasiirro iyo madaxda shirkadaha ganacsiga sida Bangiga Ganacsiga ee Itoobiya, Ethiopian Airlines iyo Ethiotelecom ay ahayd mid muhiim u ah heshiiska nabadda.

Dowladda federaalka iyo ciidamada Tigreega ayaa kala saxiixday heshiis si loo joojiyo colaadda 2-dii Nov, kadib laba sano oo dagaal ah oo ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Horseed Media