Xukuumada Federaaalka oo sheegtay inay talaabo sharci ah ka qaadayso dadka amni xumada ka wada Muqdisho

Published: December 28, 2021

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in Xukuumaddu ay la xiisaabtami doonto shakhsiyaadkii soo abaabulay wuxuu ugu yeeray afgembigii dhicisoobay.

Wasiirka Amniga Gudaha oo Saxaafadda la hadlayay ayaa xusay in shalay ilaa iyo xalay la waday iskuday Afgambi balse uu dhicisoobay, kaasi oo uu soo abaabulay Madaxweynihii muddo xileedkiisu dhamaaday oo uu ku weeraray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah Xafiisyada Golaha Wasiirada, ciidamado isaga ka amarqaata balse lagu guuleystay in arrinkaas la fashiliyo.

“Nasiib wanaag qaar ka mid ciidamada Madaxtooyada, kuwa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka iyo Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka hortagay iskudayga Afgambiga dhicisoobay, qaar ka mid ah askarta la qalday waa ay ka soo laabteen qaladkooda, balse waxaa jirta kuwo weli qaladkooda ku taagan, sharciga ayaana la marsiin doonaa” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay ciidamada Amniga inay difaacaan Qarankooda oo ay ka hortagaan cidkasta oo carqaladeynayso Nabadgelyada iyo geeddi-socodka doorashada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *