Xukuumada Federaalka oo ansaxisay miisaaniyadda KMG ah ee April illaa June

Published: March 13, 2022

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyad KMG ah oo dhan $ 206,474,223, taasoo loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha April ilaa June ee sanadkan.

Wasiirka Maaliyadda XFS, mudane Cabdirahman Ducaleh Beyleh ayaa golaha wasiirrada u soo bandhigay Miisaaniyadda KMG ah oo faahfaahsan una sharaxay muhiimada ay u leedahay dalka, iyadoo goluhu si buuxda leh u meel mariyay miisaaniyadda rubaca labaad ee sanadka, si aysan hakad u galin howlaha dowladda, maadaama dalku ku jiro doorashooyin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *