Xukuumadda Puntland oo diyaarisey xeerkii doorashooyinka golaha wakiilada

Published: July 22, 2023
Xukuumadda oo codeysey waxka beddelka xeerka doorashooyinka Puntland

Xukuumadda Puntland ayaa muddooyinkii danbe ku hawlaneyd diyaarinta xeerka doorashooyinka Puntland, kaas oo soo marey heerar kala duwan. Xeerkan ayaa ah midka Xukuumadda hadda jirtaa dooneysaa in lagu galo doorashooyinka golaha wakiilada.

Ma jirto cid aragtey sida loo qoray xeerkan cusub iyo qodabadiisa, shirkii khamiista ayaa looga doodey wax ka beddel lagu sameeyey, kadib markii goluhu horey isugu raacey isaga oo qabyo ah, golaha xukuumadda ayaa u codeeyey wax ka beddelka lagu sameeyey.

Horseed Media oo xiriir la sameysey qaar kamid ah golaha wasiirada ayaa ogaatey in xeerkaani yahay kii guud ee doorashooyinka Puntland oo ay ku jirto golaha wakiilada, mar wax laga weydiiyey waxa laga beddeley ayey sheegeen in ay tahay qaabka Madaxweynaha loo dooranaayo.

Xeerka doorashada goloyaasha deegaanka ee la qorey sanadkii 2013 ayaa lagu galay 10 sano kadib doorashadii dhawaan ka dhacdey 33 degmo oo ka tirsan Puntland, taas oo ururada siyaasaddu kala kulmeen caqabo waaweyn, sidoo kale waxaa caqabado kala kulmey musharixiinta doonaaya in ay tartamaan.

Waxaa la is weydiinayaa nidaamka xeerkan cusub u qoran yahay? qaabka loo dooranaayo golaha wakiilada? haddii ay noqoto in xisbiyo lagu dooranaayo, ma toos ayaa xildhibaanka loo dooran mise ururka ayaa awooda leh oo waa liistada xiran?

Weli waxaa muran adag ka taagan yahay qaabka ay noqoneyso doorashada Puntland, waxaana socda waan-waantii ugu danbeysey.

Horseed Media