Xukuumadda Puntland oo si rasmi ah u saxiixday mashaariicda dhismaha waddooyinka Puntland

Published: September 3, 2024

Xukuumadda Puntland ayaa maanta si rasmi ah u saxiixday mashaariicda dhismaha iyo dib u dayactirka waddooyinka Puntland, gaar ahaan dhismaha waddooyinka gobolada Bari, Karkaar iyo Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta goobjoog ka noqday saxiixa heshiiska Mashaariicda Dhismaha, Dayactirka iyo horumarinta Wadada isku xirta Gobollada Puntland, oo ay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland la saxiixatay Shirkada dhismaha ee Albaashid iyo Guddiga dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay mashaariicda dhismaha iyo dayactirka Wadooyinka Puntland, wuxuuna xusay in dhowaan la billaabi doono dhismaha Wadada Xarfo -Gaalkacyo oo qorshaheedu meel geba geba ah marayo.

Mashaariicda dhismaha Waddooyinka Puntland oo ah cashuurtii oo dalka dib-loogu dhisayo, ayaa 18 July 2024 waxaa ansixiyey Guddiga Sarre ee Hay’adda Waddooyinka Puntland, waxaana maanta la billaabay howlgelintooda, iyadoo lasaxiixay heshiisyada shirkadaha dhisaya Waddooyinka oo kala ah :-

1. Heshiiska Shirkadda dhismaha ee ALBAASHID:

– Dib-u-dhiska Buundooyinka deegaanka Xaaji Kheyr.

– Dayactirka wadada 22-aad illaa Barda dawaco

2. Heshiiska Guddiga Dhismaha Ceeldaahir-Ceergaabo.

– Dib-u-dhiska Buundooyinka deegaanka Laasa Dawaco- Boosaaso

3. Shirkadda dhismaha KEBARCO, oo dhameystiraysa dhismaha wadada isku xirta Rabaable- Kalabayr.

Ugu danbeyn, Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) ayaa korjoogteynaysa Mashaariicda dhismaha Wadooyinka Puntland, sidoo kalena joogtaynaysa dayactirka Wadada isku xirta Gobolada Puntland.

Horseed Media