Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay in deegaanada Jubbaland & KGS ay ka bilaabanayaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab

Published: December 27, 2022

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaciyay in dhowaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ay ka bilaaban doonaan deegaanada Maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa sheegay in howlgaladii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay ka bilaabeen deegaanka Basra iyo deegaanada kale ee ku dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe iney haatan usii talaabeen deegaanada maamulka Galmudug, islamarkaana dhawaan ciidamada ay xureyn doonaan deegaanada Galmudug kaga sugan yihiin kooxda Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in haatan abaabulkii ugu dambeeyay ay ka socdaan deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, islamarkaana Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay dardar galinta howlgalada lagula dagaalamayo ciribtirka Al-shabaab.

Ururka Al-shabaab ayaa haatan guud ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe laga saaray iyadoo ay deegaanada kale Hirshabeelle ay ka socdaan howlagllo culus.

Horseed Media