Xulka Gobolka Haylaan oo hantay horyaalka koobka kubadda cagta Goboladda Puntland

Published: August 24, 2021

Xulka gobolka Heylaan ayaa ku guuleystay Horyaalka Koobka Goboladda Puntland kadib gool ku laad 4-3 ay uga badiyeen Xulka gobolka Nugaal.

Ciyaarta kama dambeysta koobka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, kaasoo soo xiray tartankan oo ah kii 8-aad ee koobka kubadda cagta Gobollada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa ka qeybgalay oo daawaday Ciyaartii kama danbeysta aheyd ee tartanka, Taas oo dhexmartay Gobollada Haylaan iyo Nugaal. Waxaana Koobka ku guuleystay Gobolka Haylaan oo Gool-ku-laad uga badiyey Gobolka Nugaal.

Dhammaadkii munaasabadda wuxuu Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, uu Koobka guddoonsiiyey xulka Gobolka Haylaan ee ku guuleystay, iyo abaalmarinta kaalinta labaad oo uu guddoonsiiyey xulka Gobolka Nugaal, wuxuu sidoo kale abaalmariyay Ciyaartoo soo bandhigay ciyaar wanaag, gool dhallin iyo shakhsiyaad kale oo bogaadin ku muteystay intii shaqada tartanku socotay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa dhiirrigeliyay Ciyaaraha, wuxuuna sheegay inay door muhim ah ka qaataan isdhexgalka bulshada, amniga iyo guud ahaan horumarka, isagoo bogaadiyay masuuliyiintii ka shaqeynaysay intii uu Koobka socday, Ciidamada amniga sugayey, Warbaahinta iyo dhammaan dadkii ka qeyb qaatay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *