Yamamoto oo Ku Baaqay in Degdeg Loo Joojiyo iska Horimaadka Gobolka Gado

Published: March 2, 2020

Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamulka jubbaland inay soo afjaraan iska horimaadka ka socda gobolka Gedo,

Safriiku wuxuu ku taliyay in xal siyaasadeed lagu dhameeyo iska horimaadka iyo khilaaf sababay in dagaal fool fool ah uu dhexmaro ciidamada dowladda federaalka iyo ciidamada Jubbaland ee daacada u aha wasiirka amniga maamulkaas c/rashiid Janan

“dhammaan hoggaamiyayaasha waxaa looga baahan yahay inay dulqaad muujiyaan iyo xaaladana dejiyaan taasi oo faa’iido weyn u leh dhamaan Somalida ku nool gobolka” ayuu yiri Yamamot

Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Gedo ayaa maanta weeraray ciidamo daacad u ah wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Jannan, dagaalkaas oo dhimasho iyo dhaawac uu ka dashay ayaa loo adkaaday ciidamadii Jubbaland kuwasoo u cararay magaalada Mandheera ee kenya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *