Yaxya Sinwar oo loo magacaabay Hogaamiyaha Cusub ee Xamaas

Published: August 6, 2024

Ururka Xamaas ayaa maanta u doortay Yaxya Sinwar inuu noqdo hogaamiyaha cusub ee ururkaasi kadib dilkii Ismail Haniyeh.

Sinwar ayaa horey u ahaa hogaamiyaha Xamaas ee Marinka Gaza, waana hogaamiyaha Israel ku eedayso inuu dajiyey weerarkii 7dii Oktoober.

Magacaabida Sinwar ayaa muujineysa in Xamaas ay ku mideysan tahay halgalka ay kula jiraan Israa’iil.

Yaxya Sinwar ayaa muddo 22 sano ka badan kusoo jiray xabsiga Israa’iil, tan iyo intii u dhaxeysa 1988 – 2011, waana hogaamiye mayil adag.

Wuxuu kamid yahay xubnaha ay Israel sheegtay inay beegsaneyso tan iyo markuu dagaalka bilowday.

Sinwar ayaa ku sugan gudaha Gaza, isagoona hada awood buuxda ulleh hawlgalada kooxda.

Horseed Media