103 Jir uu ku Dhacay Corona oo Laga Daaweeyay

Published: March 18, 2020

Haweenay da’deedu ahay 103 Jir oo u dhalatay wadanka Iiran ayaa ka boksatay Cudurka Coronavirus oo adduunka ku laayay ilaa 8000 kun oo qof oo u badan dad waaeyeel ah

Guddoomiyaha kuliyada Caafimaadka ee jaamacada Semnan ee Iiran Nevid Danayi ayaa sheegay in haweenaydani ay noqotay qofkii labaad ee Da’a ah ee ka badbaada cudurka, waxaana uu sheegay in laga saaray Cusbitaalka oo loo diray gurigeeda

Mudane Danayi ma sheegin magaca qofka bukaanka ah ee ka babdaaday cudurka, hase yeeshee wuxuu sheegay in ka bogsootay cudurka.

Toddobaad ka hore, Dowladda Shiinuhu waxay sheegtay in qof kale oo. da’diisu tahay 103 laga saaray cusbitaalka ka dib markii uu ka bogsaday Cudurka oo laga daawaynayay muddo lix maalmood ah.

Cudurka Coronavirus ayaa ku dhacay dadka gaaray labo boqol oo kun oo qof, waxaa laga daaweeyay oo guryahooda loo diray labo iyo sideetan kun oo qof,

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *