15 Guuradii Ka Soo Wareegtay masiibadii Tusnami ee Xaafun

Published: December 26, 2019

13 Dal oo ku yaal koonfur Bari ee qaarada Aasiya waxaa maanta laga xusayaa Dhul-gariirkii bada gunteeda ka dhacay ee Masiibadii Tusnami ee sababtay Geerida dad ku dhow labo boqol iyo konton kun oo qof.

Masiibada Tusnami xoogeedu waxay ku dhacday Jasiirada Sumatra ee waqooyiga Indonisia halkaasi oo ay ku dhinteen dad gaaraya Labo boqol oo kun oo qof. Tusnami waxay kaloo saamaysay wadamada Sri Lanka, Hindiya, Thailand iyo Xeebaha Puntland gaar ahaan degmada Xaafuun ee gobolka Karkaar.

Guriyihii, Wadooyinkii iyo dadkii ku noolaa Magaalooyin dhan oo ku yaalay Xeebaha gobolka Aceh ee Indonisia ayaa Hirarka ka dhashay dhulgariirka badda gunteeda ka dhacay ayay Xaaqeen

Masiibadii Tusnami ay dhacdey Xeebta xaafuun bishii December ee 2004tii, qaar badan oo ka mid ah daarihii badda xigey ee Xaafuun ayaa noqdey wax dumey iyo kuwa jug weyni gaartey. In ka badan 500 oo qof ayaa la sheegey in ay ku guryo beeleen.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *