Gaagaab: “hadalka gudoomiye Tigey waa been-abuur iyo hadal caruureed” [Dhegeyso]

Published: February 14, 2012

Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ah siyaasi horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda Puntland ayaa ka jawaabey eedeyn uu maanta usoo jeediyey gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey).

Gaagaab ayaa gebi ahaanba beeniyey arimihii lagu soo eedeeyey oo ay kamid ahayd inuu mileeshiyo hubeysan u abaabulay sidii garoonka diyaaradaha ee Gaalkacayo khasab looga dhoofin lahaa madaxweyne ku-xigeenka maamulka Khaatumo Cabdibuur (Biindhe) oo ay dowlada Puntland ka horjoogsatey in uu Gaalkacayo ka dhoofo.

Wuxuun intaas ku daray in isagu si gaar ah uu xil isaga saaray sidii looga hortegi lahaa dhib ka dhex dhacda ciidamada garoonka iyo ilaalada Biindhe sidaas darteedna uu xiriir la sameeyey gudoomiyaha gobolka Mudug Maxed Yuusuf (Tigey).

Dhegeyso codka Maxamed Cali (Gaagaab)

[powerpress]

Gaagaab ayaa dhinaca kale sheegay in aysan jirin sabab muuqata oo Biindhe loogu diidi karo in uu garoonka Gaalkacayo ka dhoofo maadaama ay jiraan madax kale oo maamulada kale ee dalka laga sameeyey ka tirsan oo mar walba Gaalkacyo ka dhoofa iyadoo aysan cidina la hadlin.

” Garoonka diyaaradaha nin waliba waa ka dhoofaa, waana kasoo degaa, gudoomiyaha gobolkuna waxba kama oga, waxaa ka dhoofa niman kale oo madaxweynayaal sheeganaaya, magaaladana Hotelo ayey ka degen yihiin marka anigu sabab Biindhe loogu diido inuu ka dhoofo ma arko “ Gaagaab ayaa yiri.

Eedeynta loo soo jeediyey haseyeeshee Maxamed Cali Yuusuf (gaagaab) uu sida aadka ah isaga fogeeyey ayaa timid kadib markii uu magaalada Gaalkacayo soo gaarey madaxweyne ku xigeenka maamulkii dhowaan degmada Taleex lagu sameeyey ee Khaatumo Cabdibuur Cilmi Qaaji (Biindhe).

Amar kasoo baxay madaxda sare ee dowlada ayaa lagu xanibay duulimaad uu Biindhe Gaalkacayo kaga bixi lahaa arintaas ayaana dhalisay muran xoogan, waxaana sida uu maamulka gobolkuMudug ku andacoonayo jirey qorshe uu Biindhe ku doonayey in uu si khasab ah Gaalkacayo uga dhoofo.

 

Horseed Media