Daacish oo sheegatey weerarkii Kilaabka Istanbul

Published: January 2, 2017

Ururka isku magacaabey Dowladda Islaamka ee Daacish ayaa sheegtey in ay fuliyeen weerarkii lagu qaadey goob habeenkii lagu caweeyo oo ku taala Istanbul, sida ay ku warantey Reuters.

Maamulka Turkiga ayaa baaraya weerarkan in ay fuliyeen isla canaasiirtii fulisey weerarkii lagu qaadey Garoonka Diyaaradaha ee Ataturk xagaagii la soo dhaafey.

Qofka weerarka geystey oo ku hubeysnaa qori Ak47 ah ayaan weli la qaban oo lugihiisu xor yihiin. Sida ay qorayaan warbaahinta Turkiga waxa la aaminsan yahay in qofka weerarka qaadey uu ka soo jeedo dalalka Usbakistan iyo Kirgistan ee horey uga tirsanaan jirey Midowga Sofiyeeytiga. Ninka weerarka ku qaadey Kilaabka Reina ayaa dharkii uu xirnaa ku bedeshey gudaha Kilaabka kadibna baxsadey, qorigii uu dadka ku laayey waxa uu uga dhextegay Kilaabka, waxaana uu ridey ugu yaraan 200 oo xabadood.

Weerarka waxaa ku geeriyoodey 39 qof, waxaana ku dhaawacmey dad ku dhaw 70 qof.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in ujeedada weerarkan ay tahay in xasilooni darro laga dhex abuuro Turkiga, waxaana uu wacad ku marey in ay sii wadayaan la dagaalanka Argagixisada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *