Xildhibaano ka digey in Afhayeenka Baarlamaanka loo doorto Xil. Cabdirashiid Xiddig -VIDEO

Published: January 4, 2017

Xildhibaanada Aqalka hoose ee Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya ayaa si weyn ugu kala aragti duwan taageeraida Msuaharaxa xilka guddoomiyaha ee baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xiddig.

Qaar kamid ah Xildhibaanada oo Horseed Media la hadley ayaa sheegaya in Xildhibaan Cabdirashiid aanu lahayn masuuliyadda isku wadida Xildhibaanada oo dhan, taas beddelkeedna lagu bartey in uu kala qaybiyo ama uu ka dhex abuuro khilaaf.

Musharax Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig ayaa maalmo ka hor la kulmey qaar kamid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland waxaana uu weydiistey codka in ay siiyaan, kuwas oo ku xujeeyey in uu soo kaxaysto Madaxweynaha Jubaland ka hor inta aysan gorgortan gelin. Qaar kamid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ayaa Horseed u sheegay in ay hayaan caddeyn sida Xildhibaan Xiddig u kala qaybinayo Bulshada Soomaaliyeed, waxaana ay tusaale u soo qaateen khudbad uu Xildhibaan Xiddig ka jeediyey Maraykanka mar uu booqasho ku tegey.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa ku doodaya in Musharax Xil. Cabdirashiid Xiddig uu yahay nin ol-olihiisa doorashada laga maamulayo qunsuliyadda Itoobiya ee Muqdisho halkaas oo aanu ka dhamaan ahna xafiiskiisa qarsoon.

Xil.Cabdirashiid Xiddig ayaa mar uu Maraykanka booqdey khudbad uu jeediyey uga hadley nidaamka Federaalka waxaana uusheegay in Hargaysa iyo Muqdisho u socdaan wadahadal dalka loogu qaybinayo Koonfur iyo Waqooyi, kuna salaysnaan doono awood qaybsiga dalka.

“Faysal Cali waraabe aad ayaan uga helay, markasta wuxuu banaanka soo dhiga xog dahsoon, wuxuu bidhaamiyaa siraha siyaasadeed ee dhax socda muqdisho iyo Hargaysa, oo ay doonayaan nidaam federal ah oo ku salaysan muqdisho iyo Hargaysa laga hirgaliyo Soomaaliya, mana aqbali karno in qaabkaas wax loo wajaho”

Qaar kamid ah Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa soo dhaweeyey Musharaxnimada Xiddig oo ku tilmaamey nin hadal iyo hadaf cad leh, kaas oo u qalma in la doorto. Xildhibaan Xiddig ayaa taageero ka haysta Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed waxaana hadda ku soo biirey Xildhibaanada Dammul-jadiiid ee taageersan Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoos ka daawo khudbad uu Maraykanka ka jeediyey mar sii horeysey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *