CANADA: Soomaaligii ugu horeeyey oo Wasiir ka noqda dal Reer Galbeed ah – VIDEO

Published: January 11, 2017

Ahmed Hussein oo horey uga soo mid noqday Baarlamaanka dalkaasi Canada noqdayna Soomaaligii ugu horeyey ee xilkaa qabta ayaa loo dhaariyey Wasiirka Cusub ee Arrimaha Qaxootiga iyo dadka Soogalootiga ah ee wadankaasi Canada.

Xildhibaan Ahmed Hussein ayaa kamid ah Xisbi Xaakimka Canada ee Liberal Party waxaana laga soo doortay York South – Weston, wuxuuna dalkaasi Canada tagay isagoo ah 16 sano jir qaxooti ah.

Wasiirkan ayaa wax kusoo bartay Jaamacada the University of Ottawa, halkaasi oo uu uga baxay Culuumta Sharciyada sanadkii 2012. Waana aabe leh sadex caruur ah.

Xildhibaan / Wasiir Ahmed Hussein ayaa noqonaya Soomaaligii ugu horeeyey oo u biira Xukuumad reer Galbeed ah, walow ay hore u jireen Soomaali xildhibaano ka noqday dalalka ay Qaxootinimada ku galeen.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *