Madaxweynaha Puntland oo Khudbad Toos ah U Jeediyay Dadweynaha Reer Puntland

Published: January 11, 2017

Maaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad toos oo uu kaga hadlayo waxqabadkii dowladda ee saddexdii sanno ee uu hayay xilka madaxtinimada dowladda Puntland ka jeediyay xarunta madaxtooyadda Puntland ee Bosaso

Madaxweynuhu wuxuu khudbadiisa oo toos looga daawanayo telefishanada Soomaalida, wuxuu xooga ku saaray arrimaha la xiriira xaaladda ammaanka Puntland, siyaasadda, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Dhowrista Degaanka iyo arrimo badan oo la xiriira arrimaha bulshadda oo uu sheegay in xukuumadiisu wax ka qabatay.

wuxuu sheegay in mudadii uu xilka hayay ay xukuumadiisu dagaal adag la gashay kooxo argagixiso ah oo puntland ku soo duulay, kuwasoo uu sheegay in laga adkaaday, dalkana laga saaray.

wuxuu kaloo uu ka hadlay dhismaha iyo ballaarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, isagoo si gaar ah u soo hadal qaaday dhismaha Garoonka diyaaradaha Bosaso iyo garoonka Garoowe oo hadda meel gabogabo maraya, waxaa kaloo uu xusay in dowladu hirgalisay dhismayaasha wadooyin iyo buundooyin muhiim oo ku yaal magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyo degaamadda kale ee laamigu ka fogyahay.

Gabagabadii, Khudbada Madaxweynaha oo sanadkiiba uu mar uu jeediyo waxaa kaloo uu kaga hadlay siyaasadda, xiriirka Puntland la leedahay dalalka caalamka iyo safaradii uu ku tegay dalka dibadiisa, iyadoo halkudhiga sanadkan 2017ka laga dhigayKAB KAABAYAASHA DHAQAALAHA AANU KABANEE.

Khudbada Madaxweynaha oo dhamaystiran dhowaan ayaanu idiin soo gudbin doonaa.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *