Qandala: Puntland oo soo Bandhigtay Hub iyo Saanad ay ka Qabsatay Daacish-Sawiro

Published: January 11, 2017

Dowladda Puntland ayaa magaaladda Qandala ee gobolka Bari waxay ku soo bandhigtay hub kala duwan, Saanad milateri, qalabka wax lagu qarxiyo iyo agabyo oo ciidamadda howlgalka ka wada degmada ay ka soo qabteen kooxda teegeersan Daacish.

Saraakiisha Ciidamadda howlgalka ka wada ayaa hubkan iyo qalabkan ku soo bandhigtay duleedka magaaladda, halkaasoo uu madaxweynnaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo wafti uu hoggaaminayo ay kormeeraan Ciidamada Puntland ee degmadda Qandala ka xoreeyay Kooxdii qabsatay

Madaxweynuhu wuxuu salaan ka qaatay ciidanka difaaca xeebalayda Qandala, wuxuunaku boggaadiyay sidii geesinimada lahayd ee ay uga xoreeyeen degaanka, kooxdii soo weeraratay,isagoo ku booriyey inaysan ka daalin difaacidda dalkooda hooyo , isla markaana waxa uu si gaara ugu hambal yeeyey guushii balaarnayd ee ay ka gaareen argagixisada daacish ee ku dhuumalaysanaysey mudada kooban degmada taariikhiga ah ee Qadanla.

Madaxweynaha Dawladda puntland waxa uu sidoo kale ciidamada ku booriyey inaysan ka daalin difaacida dalkooda hooyo, isla mar ahaantaana ay dardar geliyaan dedaalka dheeriga ah ee ay ugu jiraan inay ka difaacdaan cadawga dhulkooda ku soo duulaya.

Dhinaca kale madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu kormeeray garoonka diyaaradaha ee magaalada Qandala oo ay ugu danbaysey goor la isticmaalo xiligii Dawladda dhexe ee Soomaaliya, geesta kale madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa kormeeray khooriga qandala oo isna aan saa uga fogeyn magaalada.

Kormeerka ka dib madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lahadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in magaalada Qandala ay tahay maagalo ganacsi islamarkaana ah ay ku duugan tahay taarikh badan oo ay Soomaaliya leedahay, sidoo kale madaxweynaha ayaa ka warbixiyey dhibaatada ay gaarsiiyeen cadawgu Degmada waxaana uu tilmaamay inay burbur hantiyeed u geysteen xarumihii hayadaha Dawladda islamarkaana ay bililiqaysteen hanti badan oo ay leeyihiin shacabka degan magaalada Qandala.

´`waxaanu taaganahay xeebta magaalada qandala ee aadka u quruxda badan, qiimaha badan, barwaaqada ah, magaaladani waa magaladii cadawga laga xoreeyey waxbadan oo dhibana waa ay ka geysteen, haayadihii dawliga ahaa wixii yiiley waa qateen waxna waa jejebiyeen, dadkii shacabka ahaa guryohoodii bay bililiqaysteen taas bedelkeednaa waxa ay ka heleen ciidamadeena geesiyaasha ah , waxaan aad ugu mahad naqayaa dadka reer Qandala sida wanaagsan ay noosoo dhoweeyeen sida ay u garab istageen ciidamada difaaaca Puntland, ciidamada Dawladda Puntland dhamaantood waan bogaadinaya waana u mahad naqayaaayuu yiri Madaxweynaha Dawlada puntland.

Gabagabadii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey shacabka degmada taarikhiga ah ee Qandala inay ka shaqeeyaan horumarka degmada isla markaan ay garab istagaan ciidamada sugaya amnigooda.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *