Puntland oo Daah-furtay Biyo Dhaanka Wejiga 2-aad Ee Gurmadka Abaaraha – Sawiro/VIDEO

Published: January 14, 2017

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u daah-furay biyo dhaanka wejiga labaad ee gurmadka abaaraha gobolada Puntland-Soomaaliya.

Daah-furka qaybta 2-aad ee biyo dhaamiska gurmadka baaraha gobolada Puntland waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey gudiga Abaaraha Puntland oo isugu jira Mas’uuliyiin ka tirsan Goloyaasha Puntland iyo xubno ka mida Haya`ada Biyaha, Tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Puntland.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo si rasmi ah u dahfuray wejiga labaad ee biyo dhaanka loofidinayo dadka abaaruhu sameyeen ayaa sheegay gurmad kani in uu ka koobnaan doono 4,000 oo booyadood taas oo la gaarsiin doono dhamaan dad ka abaaruhu saameyeen ee ku dhaqan sagaalka gobol ee Puntland.

Sido kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Puntland ay markasta dareensan tahay lana socoto xaalada abaareed ee dalka ka jirta islamar`ahantaana ay u heelantahay wax ka qabashada iyo la tacaalida dadka abaartu wax yeelaysay ee reer Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu cadeeyey in ay si isku mida wax ugu qaban doonaan dhammaan Umadda Soomaaliyed ee ku soo hayaantay Dhulka Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale mahad balaadhan u jediyey Hay`adda Biyaha, Tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Puntland (PSAWEN) oo markasta ku heelan u adeegida shacabka Puntland.

Dhinaca kale gudiga abaaraha Puntland ayaa dhankooda ka warbixiyey xaalada abaareed ee dalka ka jirta waxaana ay sheegeen in guud ahaan dadka abaartu halakaysay ay u baahan yihiin wax kasta oo aasaas u ah nolosha dad iyo duunyaba oo ay ka mid yihiin Biyo, Cunto, hu` iyo sidoo kale dib u dejin dadka abaarta ka soo galay magaalooyinka iyo tuulooyinka Puntland islamarkaana ay ka baxeen xoolihii ay dhaqan jireen.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa illahay u weydiiyey Inuu ka dulqaado abaarta dabada dheeraatay ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka reer Puntland , islamarkaana Madaxweynaha ayaa Alleh ´`SWC“ uga beryey in uu ugu bedelo raxmadiisa


Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *